100 ruux oo ku dhintay weeraro ka dhacay Suudaan-ta Koonfureed

0
244

Arbaco RBB News:- Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegtay arbacada maanta ah in ay dad badan ku dhinteen xasaradaha ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed tan iyo markii ay heshiiska gaareen dowlada iyo Mucaaradka.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in boqolaal ruux oo shacab ah la kufsaday ama lagu dilay weeraro ka dhacay wadanka ugu yar Caalamka.

Xafiiska howlgalka qaramada ee Suudaanta Koonfureed oo loo yaqaan (UNMISS) ayaa sheegay in gaboodfalo bani aadanimo ay ka dhaceen gobolka Equatoria tan iyo markii ay heshiiska rasmiga ah lagu gaaraay magaalada caasimada ah ee Khartuum.

Intii u dhaxeysay bilihii September ilaa bishii April ee sanadkaan ayaa waxaa la kufsaday haween iyo gabdho badan kuwaasi oo qaarkood aan qaan gaar Aheyn.

Warbixin ay soo saartay hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dumarkan qaarkood ay dagaal-yahanada hubeysan ay wateen si ay xaasas ugu Noqdaan.

Ugu yaraan 104 ruux ayaa lagu dilay weeraro ay kooxo hubeysan ka geesteen gobolka ku yaal koonfurta Galbeed.