Hogaanka AMISOM oo booqday dhaawacyada Ciidamo ee la geeyay Nairobi

0
318
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira flanked with Force Commander, Gen. Tigabu Yilma Wondlmhunean (L) Aga Khan Dr. Matowo and Liaison officer Dr. Zavuga confers with Derrick Nsabahurire one of the Amisom Soldiers recuperating at the Aga Khan Hospital in Nairobi on 16 December 2019 during his end of year visit.

Madaxa Ciidanka Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa booqasho ugu tagay askar ka tirsan Amisom, oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi.

Askartan oo ku dhaawacantay hawlgalka dalka ayaa dhaawacyadooda loo qaaday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, kaasoo ka horumarsan isbitaalka Amisom ee Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika oo booqasho ku joogga Magaalada Nairobi ayaa u kuurgalay xaaladda askartooda iyo sida ay uga soo kabanayan dhaawacyada.

Arbaco RBB News:- Amb. Madeira oo mid mid askarta uga wareystay xaaladooda caafimaadeed ayaa dhanka kale waxaa uu guddoonsiiyay hadiyado, uu markaasi ugu talagalay, si mooralka askarta loogu dhiso.

Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisom, General Tigabu Yilma iyo Taliyaha Booliska Amisom, Rex Dundun