Kongreska Mareykanka oo Saxiixay Xil kaqaadista madaxweyne Trump.

0
344

Khamiis RBB News:- Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanka.

Codbixintii qodobka koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.

Qodobka labaad ayaa isna sidan loo kala codeeyey: 229 mudane oo oggolaaday, 198 mudane oo iyagu diiday.

Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ama Senetka, kaas oo go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona xil ka qaadistiisa.

Kongreska ayaa u codeeyay laba dembi oo kala ah in Madaxweyaha uu ku takri falay awoodda xafiiska iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka.

Labada arrimood ayaa ahaa ah kuwa salka ku haya arrimo xisbi, oo waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga na ay kasoo horjeedsteen.

Codeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne Trump uu ka qeybgalayay olole doorasho.

Waxaa uu dadkii isugu soo baxay Battle Creek ee Michigan uu u sheegay ” in isagoo ku hawlan shaqo abuurista Michigan ay Kongreskana ku mashquulsan yihiin naceyb iyo in ay ka xun yihiin waxa uu sameynayo”.

War qoraal ah oo ka so baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongreska.

Aqalka sare ama senetka ayaa waxaa ku badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Trump, waxaana la aminsan yihiin in ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay Trump ku sameyeen Kongreska.