5 Ruux Oo Kudhintay Weerar Kadhacay Dalka Yaman

0
277

Axad, RBB News:- Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay kadib qarax ka dhacay magaalada al-Dhalee ee koonfurta Yemen Maanta oo Axad ahayd.

Siddeed qof ayaa sidoo kale la dhaawacay, sida laga soo xigtay tirooyinkas maamulka caafimaadka ee maxalliga ah.

Qaraxaan ayaa markii uu dhacayay waxaa socday xaflad lagu soo xirayay ciidamo dhameestay tababar Milatari Sida ay Goobjoogayaal u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters

Weerarkaan ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay sideed qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Majirto ilaa iyo hada cid sheegatay mas,uuliyada weerarkan balse wararka ka imaanaya koonfurta Yemen ayaa sheegaya in ay ka danbeyso kooxda Xuutiyiinta.

Kooxda la magac baxday xoogaga wadaniyiinta oo marar badan dagaal la galay maleeshiyada xuutiyiinta ayaa waxaa taageera dowlada Imaaraadka.

Deegaanada koonfureed ayaa dalka Yemen ayaa dhanka kale waxaa ku sugan dagaalyahanada Al-Qaacida.

Bishii Agoosto, kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda gantaal iyo diyaarad Drone ah oo lagu soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Cadan, kaas oo ay dileen ku dhawaad 36 qof oo uu ku jiray taliye caan ah.