5 Ruux Oo Lagu Toogtay Gobolka Jubadda Hoose.

0
546

Khamiis RBB News:- Xarakada Alshabaab Ayaa Fagaaro Kuyaal Deegaanka Xagar Ee Gobolka Jubada hoose Isugu yeeray kumanaan Shacab ah Oo kamid ah dadka kunool deegaankasi Si ay Goobjoog u ahaadaan toogasho lagu fulinayay Rag lagu eedeeyeen in ay taageero siin jireen Dowlada Dhexe ee Somaliya.

Shacabka Oo fulinayay Amarka Shabaab Ayaa soo xaadiray Goob Fagaaro ah oo shabaabku Ay u diyaariyeen in ay ku toogtaan 5 Ruux oo ay kusoo oogeen Dimbiyo laxiriiro Jaajuusnimo.

5 Ruux Oo dhanaantood rag ahaa ayaa  lasoo taagay Fagaarahaaasi Laguna Fuliyay Xukunka Dilka Ah.

Xubnaha Latooogtay ayaa kala ahaa Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow), Cabdi kariim Muuumin Axmed, Axmed Cabdullaahi Warsame, Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke), Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle),

Ragaan ayaa Lagu edeeyay in ay lashaqeenayeen Hay’addo Sirdoon oo ajaanib ah, Dowlado Shisheeye Iyo Dowlada Dhexe ee Somaliya.

= Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

= Cabdi kariim Muuumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.

= Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

= Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

= Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la Shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.

Alshabaab Ayaa inta badan  dadka ay ku tuhmaan In ay kafikir Duwanyihiin waxa ay u arkaan in ay lashaqeeyaan Dowlada Iyo Dalalka taageero.