4 Ruux oo Isku Qoys ah Oo ku waxyeeloobay Qarax Maanta Kadhacay Muqdisho.

0
760

Arbaco, RBB News:- Qarax Jugtiisa laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho ee caasiimada dalka   gaar ahaan maqaayad u dhow  isgoyska sayidka dhanka Degmada Howladaag.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir,Saalax Dheere ayaa warbahinta u sheegay in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag gaar ahaan suuq yaraha Sayidka.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ay falkaan ismiidaaminta ah ku dhinteen saddex qof oo isku qoys ahaa iyo dhaawaca saddex kale, oo mid kamid ah uu la qoys ahaa saddexda dhimatay.

Saalax Dheere wuxuu sheegay qofka falkaan geystay in uu isku dhex qarxiyay suuqa dhexdiisa.

Falkaan wuxuu ku eedeeyay Al-shabaab, isagoo sheegay markii ay awoodi waayeen inay ciidamada u bareeraan oo laga hor istaagay baabuurta qaraxyada siday ay maciin bideen inay shacabka isku qarxiyaan.

Muuqaal ahaan markii aad eegto goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray bur bur xoogan waxa uun Saameyn kuyeeshay Dadkii ka akdhawaa Goobta

Muqdisho waxa ay maalmihii dambe ka magan gashay Qaraxyada Xilli qaraxan uu ka duwanaa kiwii hore oo loo adeegsan jiray gawaarida lagu soo xiro walxaha qara waxana maanta qaraxan fuliyay shaqsi isa soo miidaamiyay.