8 Qof Oo kuwaxyeeloobay Duqeyn ay Ciidamada Amisom geysteen

0
242

Khamiis, RBB News:- waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan Dagaal Ciidamada AMISOM iyo Alshabaab Ku dhaxmaray Degano Katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayadoo dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro kala Duwan.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay Shabaabku weerareen saldhiga Ciidanka Amisom ku leeyihiin wadada xiriirisa Degmad Marka iyo deegaanka Janaale.

Dagaalka kadib Ciidamada AMISOM ayaa tiro madaafiic ah waxa y kutuureen Xaafao ka akdhawaa Goobta ay alshabaabku weerareen oo kuyaal Magaalada Marka waxaana Duqeyntaasi ku dhaawacmay sideed qof oo shacab ah.

Dadkan ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen madaafiic xoogan, oo ay Ciidanka Amisom isaga caabinayeen dagaal-yahanadii Al Shabaab ee saldhigooda soo weeraray.

Wararka ayaa intaa ku daraaya in dadkaasi ay madaafiicda ugu taggeen guryahooda saqdii dhexe ee xalay, waxayna xaaladoodu garaab tahay shan ka mid ah dadkaasi.

Dhibane-yaasha ayaa la gaarsiiyay isbitaalka guud ee Degmada Marka, halkaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Dagaalka Amisom iyo Shabaab u dhaxeeya ayay xilliyada qaarkood waxyeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah ayadoo Madaafiic aan loo meel dayin Ay Ciidamada Amisom kutuuraan goobo ay kusuganyihin dad shacab ah Marka ay weeraro kala kulmaan Dagaaliyahaanada Alshabaab