Qofkii 5-Aad Oo Dhowr Maalmood Gudahood Tooreey Lagu Dhaawacay London

0
232
Talaado, April, 02, 2019 (Banadir broadcasting Center) – Booliska magaalladda London waxay maanta oo Talaado ah sheegeen in qofkii 5-aad muddo 4 maalmooda gudaheeda tooreey lala dhacay, isla markaana ay xaalladiisu liidato.

Weerarka maanta ayaa la sheegay in nin da’da 30-aadka ku jiray saakayto la dhaawacay, lana dhigay Isbitaalka.

Sidoo kale, 4 Dhibane ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu dhaawacay Tooreey  Deegaanka Edmonton ee W/galbeed ee London.

Ra’isul-wasaare Theresa May waxay shalay ka qeyb gashay kulan looga xaajoonayey fal-dembiyeedka Tooreyda oo ku soo badanayo dalka Britain.

Tiro-koob rasmi ah ayaa muujinaya in 285 dhaawacyo Tooreey loo adeegsaday ay ka dhaceen England iyo Weelis sannadkii hore, waana heerkii ugu sarreeyey muddo ka badan 70-sanno.