Xiisad u dhaxeysa Senetor Muuse Suudi iyo ciidamada DF oo ka taagan Muqdisho “HDVideo

0
328

Muqdisho (Banadir broadcasting Center) – Xiisad u dhaxeysa ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Senetor Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Xiisadda oo maalmahaan ka taagneyd degmada C/casiis ayaa waxaa sidii xal loogu heli lahaa ku mashquulsanaa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed isku beel yihiin Muuse Suudi.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray amar ah in dadka degen xeradii hore ee ciidamada Badda Soomaaliya ee Marinaayo inay ka guuraan, iyadoo muddo loo qabtay dhamaan xubnaha degen Mirinaayo.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku howlanaa daminta xiisadda ayaa sheegay in Muuse Suudi uu la yimid ciidamo badan oo taageersan, waxaana ay aagag ka galeen guriga uu ku leeyahay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasi oo xiisadda kordhisay.

Nabadoon C/qaadir Maxamuud Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay degen yihiin agagaarka guriga Senetor Muuse Suudi, isaga oo sheegay in habeen kastaa ay cabsi ku seexdaan.

“Waxaan arkeynaa , ciidan uu Muuse la yimid, dhulkaa lagaa Qaadayaa ayaa la yiri, Muuse wuxuu noo sheegay in dowladihi hore ay dhulka u saxiixeen, decument ayuuna heystaa oo horey loogu saaxiixay, habeen kastaa cabsi ayaan ku jiifanaa goorta dagaalka uu dhacayo ayaan ka cabsaneynaa”ayuu yiri Nabadoonka.

Xiisadda ayaa maalmahaan ka taagneyd degmooyinka dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho, waxaana laga baqayaa saacad walbaa in dagaal uu ka dhaco xeradii hore ee ciidamada Badda oo ku taala degmada C/casiis.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu dalbaday in dib loogu celiyo dhaqaalaha ka galay dhulka uu degen yahay oo la sheegay inuu u heysto Cadeymo muujinaya lahaanshaha dhulka, maadaama horey loogu sharciyeeyay.

Xeradii hore ee ciidamada Badda waxaa degen saraakiil ciidan, masuuliyiin, Ganacsato, siyaasiyiin iyo ra’iisul wasaare Hore Mr Shirdoon, waxaana dhamaantood laga doonayaa inay ka baxaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in dhulkaasi laga dhigao Dhul safaaradeed, isaga oo nasiib daro ku tilmaamay in madaxda dowladda ka tirsan Degaan ka dhigtaan halkaasn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa amar deg deg ah kasoo saaray dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah.

Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon.

Sidoo kale wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka inay dabaqyo dhaadheer ka dhisteen xaruntii ciidamada Badda, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya.