Fadeexaddii musuqa ee ugu weyneyd adduunka iyo madaxdii ay galaafatay

0
267

Image result for bbc somalia logo

Waa mid ka mid ah musuqmaasuqii lacageed ee ugu weynaa oo dunida soo mara

Balaayiin Doolar oo sanduuqa qaranka uu lahaa oo looga talagalay in lagu caawiyo Shacabka Malaysiya ayaa la waayey, waxaana lacagtaasi la waayey halka ay ku dambeysay iyada oo ka qarsoontay indhaha hay’adaha dhaqaalaha ee caalamka.

Sida ay sheegeen dambi baarayaasha Malaysia iyo Mareykanka, lacagtaasi ay shaqsiyaadka caanka ah jeebka ku shubteen waxay ku iibsadeen guriyaha deegaan oo qaali, diyaarado gaar ay u leeyihiin, sawirro iyo farshaxanno qaali ah iyo iney filimaan ay ku maalgeliyaan iyaga oo faa’ida ka doonayo.

Musuqa lacageed waxaa xiriir toos ah la leh xisbiga siyaasadeed ee talada dalka Malaysia soo hayey tani iyo marki ay Malaysia xorriyadda qaadatay.

Indhaha caalamka ayaa waxay hadda ku soo jeedaan caasimadda Malaysiya ee Kuala Lumpur, oo maxkamad lagu saarayo Ra’isul wasaarihi hore ee Malaysia ahna madaxi hoore ee guddiga bangiga 1MDB Najiib Razaak iyada oo mid kamid ah dacwadaha lagu soo oogay eegistooda ay billaabatay.

Najib Razaak

Najib RazakLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionRa’isul wasaarihii hore ee Malaysiya Najiib Razaak.

Raisul wasaarihii hore ee Maleysia Najiib Razaak wuxuu helay taageero dhaqaale oo aad u badan oo uu sheegay inuu dhaqaalaha dalka Malaysiya kor ugu soo qaadayo.

Marki uu 2009-kii uu Najiib Ra’isul wasaare noqday isaga oo ah guddoomiyaha xisbiga siyaasadda waddanka Malaysiya soo hoggaaminayey in ka badan nus qarni.

Mr Najiib wuxuu dugsigiisa sare uu ku soo bartay Kulliyadda Malvern ee dalka Britain ku yaalla, dugsigaasi oo ah mid magac weyn leh kaddibna waxaa uu jaamacadda Nottingham uu ka bartay dhaqaalaha warshadaha.

Taariikhdiisa noolaleed iyo aragtidiisa diineed oo lagu tilmaamay iney ahayd mid qunyar socod ah ayaa waxay madaxda reer galbeedka oo ay ka mid yihiin David Cameron iyo Barack Obama ay u arkayeen inuu yahay nin mudan inuu hoggaamiya dalka Malaysiya.

Mr Najib Razaak iyo Barack ObamaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMr Najib Razaak iyo Barack Obama

Balse wareegga koobaad uu xilka Raisul Wasaaraha qabtayba waxaa ka yimid hadalla tuhun dhaliyey, oo ka timid heshiis ay xukumaddiisa 2002-dii la gashay wasaaradda gaashaan dhigga Faransiiska oo ku saabsan ciidamada badda.

Waxaana lagu eedeeyey inuu $130 milyan oo doolar uu laaluush ahaan u qaatay si uu u meel mariyo heshiiska dhinaca ciidamada badda oo ay ku kaceysay $1.2 bilyan oo doolar balse Mr Najiib waa uu diiday inuu wax laaluush ah uu qaatay.

Waxay markale su’aal ka dhalatay dilkii loo geystay Haweeney u dhalatay Mongolia oo heshiiski uu Faransiisku la galay Mr Najiib oo Tarjubaan u ahayd. Kiiskaasina dowladda Faransiiska dib ayey u billaawday marki ay xukumadda Kuala Lumpur dib u furtay. Wuxuu Mr Najiib gabi ahaanba uu inkiray inuu haweeneydaasi uu weligii la kulmin.

David Cameron iyo Najib RazaakLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDavid Cameron iyo Najib Razaak

Najiib Razaak sanadki 2009-kii wuxuu aasaasay bangiga 1MDB si uu bangigu wixii dhaqaala ah uu u maareeyo horumarinta waddankana looga faa’ideeyo. Tuhunka ugu badan ee hanti lunsashada Najiib waxay timid marki uu ku guul darreystay $11 bilyan (£8.3bn) oo doolar oo deyn ah oo ay bangiga ku lahaayeen dad saamiley ah.

Bishii Luulyo 2016-kii Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay Najiib dacwaddaasi oo la xiriirtay inuu lunsaday lacag ka badan $3.5 bilyan oo doolar iyada oo marki dambe lacagta ay gaartay $4.5 bilyan oo doolar.

Dambi baaraha guud ee Mareykanka ee xilligaasi Loretta Lynch, waxay sheegtay “Hanti qaranka uu lahaa inuu ku shubtay akaawnkiisa bangiga ee gaarka ah”.

“Mas’uul ka tirsan xukumadda Malaysiya oo magaciisa aan la sheegin ayaa xaqiijiyey inuu dambi baaraha Mareykanka ay qaadatay $681 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagta la musuqay inkasta oo marki dambe lacagtaasi inteedi badneyd laga soo celiyey”.

Hay’adaha Malaysia ayaa si cad u sheegay dhammaan khaladaadka Mr Najiib ka dhacay inta uu xilka hayey, haddana waxaa marwalba si weyn u difaacayey xisbiga talada dalkaasi haya uu isagu guddoominayey ugu dambeyna waxay xeera iyo fandhaal kala dhaceen marki ay dhacday doorashadi guud ee dalkaasi ka dhacday, wax walbana halkaas ayey isku beddeleen.

Wuxuuna Mr Najiib uu maalma ka hor intaaan dhageysiga dacwaddiisa billaaban uu ku dooday inuu dambiyadaasi uu gelin oo uu bari ka yahay.

Waxayna dowladda gacanta ku dhigtay guriya iyo hanti kale oo uu lahaa iyo lacago caddaan ah oo gaaraya $28.6 milyan oo doolar. Waxaana Mr Najiib Razaak lagu soo oogay 42 dacwadood oo ay ka mid yihiin Musuq, Isadaba marin lacageed iyo ku tagrifalid awoodeed.

Lacagaha Balaayiinta ah ee laga lunsaday qasnadda dowladda Malaysiya waxaa lagu sameeyey wax kasta oo xumnaa ah sida Khamri oo lagu cabay, Qammaarka lagu ciyaaro, Tamashleyn iyo Israaf xad dhaaf ah oo aan loo bahneyn.

Rosmah Mansuur

Ms Rosma MansuurLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMs Rosma Mansuur

Xaaska Najiib Razaak, Rosmah Mansuur oo 67 jir ah marka uu seygeeda xilka ka degay waxaa lagu soo oogay dambiyo ay ka mid yihiin isdaba marin lacageed iyo canshuur lunsasho inkastoo marki dambi eedeymahaasi lagu waayey.

2018-kii waxay booliska dalkaasi ay weerareen hantida ay iyada iyo seygeeda lahayeen iyo alaabo ay ka mid yihiin dahab iyo waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan oo ay qiima ahaan ku kaceyso $273 milyan oo doolar, taasoo ay dowladda ku tilmaantay iney qoyska Najiib ahaayeen qoys ku noolaa noolal israaf xad dhaaf ah.

Mahaatir Mahamed

Mahatir MahamedLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMahatir Mahamed

Mr Mahatir Mahamed oo ah siyaasi caan ah oo 1993-yadii hormuud u ahaa siyaasadda Malaysiya wuxuuna ra’isul wasaare uu soo noqday 1980-kii, 1990-kii iyo 2000 iyo 2018-ka oo uu ku soo noqday siyaasadda.

Siyaasadda inuu markale ku soo noqdana waxaa keenay qorshahiisa oo ahaa Saxada siyaasadeed inuu ka saaro Najiib Razaak oo ay horay saaxibbo dhaw u ahaayeen.

“Dhammaan shacabka Malaysiya raalli gelin ayaan weydiisanayaa maxaa yeelay aniga ayaa Najiib siyaasadda ku soo daray runtii waa khaladkii iigu weynaa oo aan noolasheyda galo. Marka Khaladkaasi aan galay ayaan doonayaa inaan saxo” ayuu yiri xilligii uu Mr Mahaatir Mahamed uu ololaha doorashada bishii May 2018-kii uu ka hadlayey.

Maalmo kaddibna waxaa dunida yaab ku noqotay xisbigi nus qarni soo hoggaamin jiray dalka Malaysiya inuu si fudud uu uga guuleysto.

Mr Mahaatir ayey shacabka Malaysia si weyn u soo dhaweeyeen iyaga oo sheegay xukumadda cusub ee Mr Mahaatir iney sharciga keeneyso shaqsiyadka dalka Malaysiya khiyaamada qaran ka galay.

Jho Low

Mr Low Taek Jho
Image captionMr Low Taek Jho

Dambi baarayaasha Malaysiya iyo Mareykanka waxay sheegeen Mr Low Taek Jho, oo Shiinaha iyo Malaysiya ka soo jeeda gaar ahaanna u dhashay jasiiradda Penang inuu yahay maskaxdii ka dambeeysay fadeexaddi musuqa ee ka dhacday bangiga 1MDB ee dalka Malaysiya.

Dambi baaraha Mareykanka wuxuu sheegay Mr Low xiriirka siyaasadeed ee aadka u adag uu la lahaa Mr Najiib inuu bangiga 1MDB uu ku qaatay boqollaal milyan oo doolar oo horseedday in balaayiin doolar bangiga laga lunsado.

Hantida Joho ee la qabtay waxaa ka mid ah doontan oo uu qiimaheedu ku kacayo $250 milyan oo doolayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHantida Joho ee la qabtay waxaa ka mid ah doontan oo uu qiimaheedu ku kacayo $250 milyan oo doolay

Hase yeeshee, dhicitaanki xukumadda Najiib waxay Jho ku noqtay masiibo aad u weyn oo ku soo korodhay noolashiisa. Waxaana lagu soo oogay dacwado ka dhan ah oo muujinayo faldambiyeedyada uu galay.

Timothy Leissner

Mr Timothy LeissnerLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMt Timothy Leissner

Xilliga ay dhibaatada dhaqaale ee 2008-dii dunida ka taagneyd, Timothy Leissner Koonfurta bari ee Asia wuxuu ka ahaa madaxa bangiga weyn ee laga leeyahay Jarmalka laantiisa Aasiya.

Heshiiska ugu weyn ee uu Timothy galayna waxay ahayd marka uu xiriir la sameeystay Jho Low oo door weyn ku lahaa waxa ka dhacay 1MDB.

Waxaana lagu soo eedeeyey $600 oo milyan oo doolar oo laauush ah inuu bangiga ka qaatay si uu ula galo heshiis deyn oo dhan $6.5 bilyan oo doolar lagaga qadanayo bangiga 1MDB sanadka marka uu ahaa 2012-2013-kii.

Mr Leissner maxkamad ku taallo Mareykanka ayaa ku heshay dambi ah isdaba marin lacageed iyo ku xad gudbid sharciga ka hortagga musuqa isaga oo dad ajaanib ah wax la xaday.

Xukumadda Malaysiyana waxay sida oo kale ay ku soo oogtay dacwad taa la mid ah, inkasta oo uu isagu dacwaddaasi inuu bari ka yahay sheegay.

Jilayaasha Filimaanta

Miranda Kerr, Paris Hilton iyo Leonardo DiCaprioLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMiranda Kerr, Paris Hilton iyo Leonardo DiCaprio

Lacagaha bangiga 1MDB ee la lunsaday kuma koobno oo keli ah siyaasiyiinta iyo maalqabeennada balse waxaa kiiskaasi ku lug lahaa qaar ka mid ah jilayaasha caanka ah ee shirkadda filimada mareykanaka ee Hollywood.

Inkasta oo atoorayaasha kiiskan ku lug lahaa ay sheegeen iyagu iney wax khalad ah sameeyn balse hadal hayntooda ugu badan ee warbaahinta waxaa dhaliyey xiriirka gaarka ah ee ay la ahaayeen Mr Jho.

Filimka jilaaga Leonardo DiCaprio

Jilaaga 2013-ki ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ee Oskaarka Leonardo DiCaprio wuxuu xirii dhaqaale uu la sameeystay Riza Aziz oo wil ay dhaleen Rosmah Mansuur iyo Najiib Razaak.

DiCaprio oo lagu abaal mariyey filimka uu atooraha ka ahaaee ‘The Martin Scorsese’ oo ku saabsanaa musuqa marka uu abaalmarinta guddoomayey wuxuu mahdnaq uu u soo jeediyey Mr Aziz iyo Mr Low taasoo lagu sheegay iney muujineyso xiriirka qotada dheer ee kala dhaxeeyo qoyska Najiib.

Jilaa Leonardo DiCaprio iyo Jho LowLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionJilaa Leonardo DiCaprio iyo Jho Low

Dambi baarayaasha Mareykanka waxay sheegeen in lacagta bangiga 1MDB si khladna looga isticmaalay sameynta filimkaasi.

Dicarpio wuxuu sheegay hay’adaha sharciga ee Mareykanka inuu kala shaqeeynayo wixi ay uga baahdaan isaga oo weliba sawir qaali ah oo uu hadiyad ahaan u guddoonsiiyey Mr Low dib ayuu isaga celiyey.

Mr Jho wuxuu saaxibbo la ahaa fannaaniin caan ah

Soo saaraha filimaanta caanka ah iyo xaaskiisa caanka ah ee filimaanta jisho waxay qayb ka yihiin nidaamka dhaqaale uu Mr Jho hoggaaminayo.

Sawir ay wada galeen 2014-kiiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMr Jho Low, Swizz Beatz iyo Alicia Keys

Warbaahinta

Fadeexadda bangiga 1MDB ee dalka Indonesiya weligii ma soo ifbaxeen haddii ay wariyeyaasha warbaahinta kala duwan ka shaqeyso ay u kaba gashan lahayn iyaga oo weliba sanadki 2018-kii warbixinnadooda ugu horreeye ka dhigtaya sidi ay fadeexxaddan musuq ee balaayiinta doolar lagu lunsaday ay u fashilin lahaayeen.

Wariyeyaasha kiiska marki ugu horreysay shaaciyeyLahaanshaha sawirkaAFP/WALL STREET JOURNAL
Image captionBradley Hope, Clare Rewcastle-Brown iyo Tom Wright

Warbaahinta kala duduwan wariyeyaasha ka shaqeeya oo ay ugu horreeyaan seddexda wariye ee kala ah Bradley Hope, Clare Rewcastle-Brown iyo Tom Wright waxay tobaneeyo sano ay ku howlanaayeen sidi ay musumaasuqa, lunsashada hantida shacabka iyo isdaba marinta lacageed ee balaayiinta ah ay shacabka ugu soo bandhigi lahaayeen.

Tasoo keentay iney xukamaddi Najiib ay xilka ka degto isla-markaana ay dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba billaabato in lala xisaabo cid kasta oo ku lug lahayd faldambiyeedyadaasi oo uu hormuud ka yahay Rai’usl wasaarihii hore Najiib Razaak oo ay hadda dacwadda ku socoto.