Faah faahin Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0
113
Khamiis, April, 04, 2019 (RBB NEWS) – Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir kaa oo lagu weeraray Koontarool lagu soo galo dugsiga tababar Booliiska ee Jen Kaahiye.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramayaa in uu qaraxani sababay, waxaana gadiidka gurmadka deg deg ah ay goobta ka qaadeen dad qaba dhawacyo kala duwan.
Qof degan meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay ayaa Hiiraan Online u sheegay in dusha sare laga arki karay Qaac ka dhashay qaraxan iyo Uurada kaddib markii barta koontaroolka lagu dhuftay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Dugsiga sare ee Booliska Jen Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee laga hogaaminayo ciidamada amniga ee howlgalada ka wada Magaalada Muqdisho.
Qaraxa caawa dhacay ayaa imanaya xili taliska Booliiska gobolka Banaadir uu dadka reer Muqdisho uga digay gaari walxaha qarxa lagu soo raray, dhinaca kalana ay xir xiran yihiin dhamaan jidadka magaalada Muqdisho oo aan loo ogoleyn in gaadiidku isaga gudbaan.