DEG DEG: Qarax baabuur oo ka dhacay Muqdisho

0
113

Muqdisho (RBB NEWS) – Qarax dhawaqiisa laga maqlay degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka wadada aada dhanka Bakaaraha sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nooca dhajiska ah ee lagu xiro Gawaarida raaxadda ah.

Update Qarixii Goor dhaw ka dhacay muqdisho ayaa
Wararka waxay sheegayaan In uu Ka dhacay meel aan sidaa oga fogeyn isgooska Dabka Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan hinaca iskoolka DhagaxTuur.

Qaraxa ayaa la sheegay In Ex-Xildhibaan Cabdiwaaxid Gaarigiiisa loogu xiray.

Xildhibaanka Ayaa waxa uu ka mid ahaaa Dadkii xalay u gurmaday Shacabkii waxyeelada kasoo gaartay Gaari Lagu Qarxiyay meel aan sidaa oga fogeyn iskool Boliisiya Ee Magaalada Muqdisho.

Wali macada qasaaraha rasmiga ah Ee Ka dhashay Qaraxaas Mana Jirto cid Sheegatay.

Wixii faahfaahin Ah Ee kusoo kordha xogtaan Halkaan ayaad Kala Socondoontaan..