Waa kuma Jeneraal Khalifa-ha adduunka oo dhan ka qaylisiiyay

0
226

Image result for bbc somalia logo

Hoggaamiyaha ciidammada ku sugan bariga Liibiya ayaa amray in ay qaabilaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Tripoli, halkaas oo fariisin u ah dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Amarka uu Khalifa Haftar siiyay ciidammada isugu yeera Milatariga Qaranka Liibiya ayaa imaanaysa iyadoo Tripoli uu booqasho ku joogo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Kooxo dawladda taageersan oo ku sugan magaalada Misrata ee galbeedka Liibiya ayaa wacad ku maray in ay hor istaagi doonaan in ciidammada Haftar ay aadaan dhanka caasimadda.

Liibiya ayay colaado ku habsadeen tan iyo markii xilka laga tuuray ee la dilay Mucamar Qaddaafi sannadkii 2011.

Sidee looga falceliyay arrintan?

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Maraykanka iyo dalalka Yurub ayaa ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

Guterres oo saxafiyiinta kula hadlay Tripoli ayaa sheegay “in uu dirayo baaq adag, si looga baaqsado in xaaladdu ay cirka isku sii shareerto”.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulmaya Jimcaha si ay uga arrinsadaan xaaladdan soo koradhay, waxaana kulankan codsatay Britain, sida ay wararku sheegayaan.

Maraykanka, Britain, Talyaaniga iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale wada jir u soo saaray war ay ku dalbanayaan in xaaladda la dajiyo.

“Waxaan si wayn u rumaysannahay in tallaabo milatari aysan wax xal ah u keenayn colaadda Liibiya” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Qarammada Midoobay ayaa qorshaynaysa in ay wadahadal ku qabato Liibiya qaybaha dambe ee bishan, si la isugu dayo soo afjaridda colaadda dabada dheeraatay.

Maxaa dalka gudahiisa ka socda?

Ka dib markii janaraalka Haftar uu amarka bixiyay, ciidammadiisa ayaa dhawr jiho ka soo dhaqaaqay iyaga oo ku sii jeeda caasimadda, sida uu sheegay mid ka mid ah afhayeennadiisa.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo sheegaya in ciidammada Haftar ay galeen magaalada Gharyan oo 100 dhanka Koonfureed ka xigta Tripoli.

Ciidammada LNA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Gharyan ayna sii socdaan.

Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen in labo ka mid ah ciidammadooda ay kaga dhaawacmeen deegaan aan magaalada ka fogayn.

Masuuliyiinta magaalada Gharyan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagaga baaqsado in kooxaha iska soo horjeeda ee magaalada ku wada sugan uu dagaal dhexmaro.

Dawladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee fadhigeedu yahay Tripoli ayaa sheegtay in ay heegan sare galisay ciidammadeeda.

Dhanka kalana dadka dagan magaalada Misrata ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay qaabileen dhanka caasimadda Liibiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Duulaanka ayaa billawday ka dib markii ciidammo taabacsan Khalifa ay qabsadeen qaybo ka mid ah koonfurta dalka horraantii sannadkan.

Waa kuma Jeneraal Khalifa

Ninkan xilkan ka soo qabtay ciidammada qalabka sida ayaa Qaddaafi gacan ka siiyay in uu awoodda la wareego 1969, ka dib ayayse is maandhaafeen qurba joog ayuuna ku noqday Maraykanka.

Sannadkii 2011 ayuu soo laabtay ka dib markii Liibiya ay ka billawdeen kacdoonkii lagu diidanaa Qaddaafi, wuxuuna noqday taliye jabhadeed.

Jeneraal Khalifa ayaa bishii Dimeembar la kulmay oo ay shir ka wada qayb galeen Ra’iisulwasaare Fayez al-Serraj oo ka socda dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, balse markii dambe ayuu diiday in ay wadahadal rasmi ah yeeshaan.

Jeneraal Khalifa ayaa taageero ka helay Masar iyo Imaaraadka.