Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Nashqada Lacagta cusub ee la soo daabacayo

0
127

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay waxaa uu ku soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub ee la qorsheynayo in la soo daabaco.

Lacagtan cusub ayaa la qorsheynayaa in lagu bedelo lacagta Kunka shilling ee 20-kii sano ee la soo dhaafay la isticmaalay, waana nooc cusub.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana waa lacag dahabi ah oo ay muuqaalo kala duwan ka muuqdaan.

Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto.

Dowladdihii hore ayaa dhowr jeer isku dayay in lacago soo daabacdo, hase ahaatee waxaa jiray caqabado iyo shuruudo ku horgudbanaa oo ay ugu weyneyd barnaamijka Deyn cafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here