Dadka reer Sudan oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka

0
275

Jimco, April, 12, 2019 (RBB News) – Inkastoo ay rumoowday rajadii dadka reer Sudan ay ka qabeen in mar uun uu xukunka banneeyo madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir oo waqti dheer dalkaasi soo maamulayay, haddana wali waxaa jira diidmo ka imaneysa dadka dibadbaxayaasha ah oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa ku doodaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkani cusub ayaa sare qaaday cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir oo 75-jirka ah ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

“Maamulkani cusub waxa uu la mid yahay kii hore,” ayuu tiri Sara Cabdeljaliil oo ka tirsan ururka Xirfadlayaasha reer Suudaan. “Sidaa daraadeed waxa aan ubaahanahay ayaa ah inaan si nabad ah u sii wadno dagaalka iyo kacdoonka.”

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay inqilaabkaasi milatari. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in inqilaabku uusan ahayn jawaabta saxda ah ee ku habboon caqabadaha hortaagan dalka iyo waxyaabaha shacabku hiigsanayo.

Ruushka oo laba jeer martigeliyay Cumar Al-Bashiir ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, wuxuuna sheegay in ay eegayaan xaaladda dalkaasi Suudaan.

Xoghayaha Guud ee hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International Kumi Naidoo ayaa sheegay in muddo dheer caddaaladdu lala sugayay Al-Bashiir.