Qodobada looga hadli doono kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

0
98

Arbaco, 17 April 2019 (RBB News) – Kulanka Maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa laba Ajende kuwaas oo kala ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariimo wargelin ah oo ku saabsan kulanka Maanta,waxaana xusid mudan in Sabtidii iyo Axadii todobaadkaan ay Xildhibaanada siweyn uga hadleen Arrimo la xiriira Amniga.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan ka doodis ama in ay ansixiyaan halka kuwa kale ay qaarkood horay u soo marsiiyeen Akhrinta koowaad iyo tan labaad, hayeeshee u baahan kaliya inay waxka bedelaan ama ay ansixiyaan.