Maamulka Isbitaalka SOS oo war ka soo saaray canugii la xaday

0
410

April 20, 2019 (RBB NEWS) – Maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS ee ku yaala degmada Huriwaa ayaa war ka soo saaray canugii ku dhashay isbitaalka ee la shalay gelinkii dambe la xaday.

Canugan oo wiil ahaa ayaa dhalnaa 24-saacadood, iyadoo uu khamiistii ku dhashay isbitaalka, isla markaana shalay jimcihii laga xaday isbitaalka, xilligii Salaadii maqribka.

Agaasimaha Isbitaalka SOS Dr. Maxamed Macalin Dhaqane ayaa sheegay dhacdadan aanu isbitaalka wax shaqo ah ku laheyn, waxaana uu xusay in markii ay sameeyeen baaritaan ku ogaadeen in canuga ay xaday gabar iska dhigtay inay ehelka la socotay.

Waxaa uu sheegay in xilliga Isbitaalka la keenayay iyadoo fool aheyd ay la socdeen Hooyada dhashay ninka qaba iyo gabar walaasheed, balse gabadha wiilka xaday ay isaga dhigtay qof bukaan la joogo, xilligii Maqribki aheydna ay gabadhaas salaad ku mashquulisay hooyada dhashay wiilka sidaas canuga ku xaday, maadaama gabadhi dhashay canuga ay hurdeysay, halka Hooyadii la joogtayna Salaad dukaneysay.

Lama oga illaa iyo hada ujeedka ay u xaday canuga gabadhii la socotay qoyska, markii la keenayay gabadhii canuga dhashay oo fool aheyd.