Hoggaamiyaasha diimaha oo ku baaqay midnimo wixii ka danbeeyay qaraxii Sri Lanka

0
65

Khamiis, April, 25, 2019 (RBB News) – yadoo dalka Sri Lanka ay ka dhaceen qarxyo waaweyn oo galaaftay nolasha boqolaal dad ah ayaa jiray kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha oo looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalkaasi.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen safiirro ka kala socda dlalka muslimka ah,hoggaamiyaasha diimaha dalka Sri Lanka iyo hoggaamiyaha Kaniisadda Katooligga,mwaxaa lagu baaqay in la muujiyo deganaan,isla markaana lala yimaado iscafin iyo wax wada qabsi.

Boqolaal muslimiin ah ayaa ka cararay deegaanka Negombo on dhaca xeebaha galbeed ee dalkaasi,halkaasi oo qaar ka mid ah weerarada aargoosiga ah ay ka dhaceen .

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo argagixiso ah lala beegsaday Hoteello iyo Kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka, waxaana ku dhintay in ka badan 3-boqol oo ruux.

Dowladda ayaa qiratay in ay ka gaabiyeen howshii loo idmaday,waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu soo saaray waregto uu ku dalbanaayo in ay iscasilaan taliyaasha ciidamada .