Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay 70 qof oo u badan dad looga shakisan yahay Al-Shabaab

0
158

Axad, 28 April 2019 (RBB News) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 70 ruux , kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadkaasi Ciidanka Booliska ay kasoo xireen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Halkaan ka dhageeyso codka: