Hordhac: Falaqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Furitaanka Koobka Aduunka.Russia Vs Saudi Arabia. Iyo Xaqiiqo Walbo Oo Ku Saabsan Kulankan.

0
171

Maanta oo qamiisa ah oo taariqdu ku beegantahay 14 June 2018 waxaa ooda laga qaadi doona tartanka wadama caalamka ee koobka aduunka Rusia ayaadoo dadka xiiseeya kubada cagta iyo dhamaan caalamka ay indhaha ku hayaan tartanka.

Ruushka ayaa martigelinaya Saudi Arabia kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Koobka Aduunka 2018.

Kulankan Group A ayaa  ah kulanka ugu horeeya ee koobka aduunka ayadoo  xafladda furitaanka ay kadhici doonta garoonka Luzhniki Stadium, ee magalada Moscow.

Labada kooxood waxay heystaan ​​koox taam buuxda u ah oo ay ka soo xaadiraan furaha  hore ee Koobka aduunka.

Ruushka ayaa oo leh xulusho daafac oo adag ayaa keeneyso in 38-sano jirka Sergei Ignashevich uu ka soo bilowdo.

macalinka Sacuudi Carabiya Juan Antonio Pizzi oo heysto weeraryahano cajib ah ayaa kala dooran doo wareerkiisa Maxamad Al-Sahlawi iyo Muhannad Assiri.

XAQIIQADA KULANKA:

RUSSIA

Russia Iyo Saudiga ayaa hor u kulmay  October 1994 waxaana 4-2 ku badisay Saudia Arabia ciyaar saaxibtinimo.

Russia waligeeda may gaarin wareega bug baxda ayadoo ka qeyb gashay koobka aduunka sedex mar (1994, 2002, 2014) waxayna ku dhameysan jireen kaalin sedexaad ee group-yada.

France ayaa ah wadanka kali ee marti galiyay koobka aduunka oona ku guuleystay sanadkii.

Wadamaada kale ee marti galiyay koobka aduunka ayaa gaari jiray wareegyada xiga marka  laga reebo South Africa oo 2010 marti galisay koobka aduunka iyadoo ku hartay wareega group-yada.

SAUDI ARABIA

Waa markii shanaad ee Saudi Arabia ka qeyb qaadato koobka aduunka waxaa ugu dambeysay2006.

Saudi arabia ayaa ku dhameysaneysay kalinta ugu hooseeso ee wareega group-yada sedex xilli ciyaared ee ugu dambeysay markoodi ugu fiicnaa waxay eheyd 1994 ayagoo ku haray wareega 16 aad oo guul daro kala kulantay Sweden.

Saudi Arabia ayaana wax guul ah  gaarin 10 kulan ee ugu dambeysay koobka aduunka waxayna qasaartay 8 kulan iyo 2 kulaan oo bareejo ah.

Saudi Arabia ayaa shabaqeeda ilaal satay halmar 13 kulan ee ugu dambeysay  ee koobka aduunka wuxuuna ahaa June 1994 kulan 1-0 ugu badiyeen Belgium.

Saudi arabia ayaa ku guul dareysatay inay shabaqa soo taabato 7 kamid ah 9 kulan ee ugu dambeysay ee koobka aduunka.

Shaxda laga yaaba inay Kusoo galaan:

RUSSIA:

Akinfeev; Zhirkov, Ignashevich, Kutepov, Mario Fernandes; Zobnin, Kuzyaev; Golovin, Dzagoev, Samedov; Smolov

SAUDI ARABIA:

Al-Mayouf; Al-Harbi, Omar Hawsawi, Osama Hawsawi, Al-Shahrani; Al-Faraj, Al-Khaibri – Al-Shehri, Al-Dawsari, Al-Jassim; Mohammad Al-Sahlawi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here