Maxaad Ka Taqaana Ciyaaryahanka Dhaliyay Gooshii Ugu Horeysay Ee Koobka Aduunka 2018

0
199

Koobka aduunka ee Russia 2018 wuxuu socday  11 daqiiq bes markuu magaciisa kasoo dhex muuqday laacibkan“isagoo dhaliyay gooshii ugu horeysay ee koobka aduunka 2018 ee Russia.

Intaas kadib dadka waxay is weydinaaayaan waa kuma ciyaaryahanka dhaliyay gooshii ugu horeysay ee koobka aduunka 2018.

MAGACIISA OO DHAMEYSTIRAN:Yury Aleksandrovich Gazinsky.

NANEYSTIISA: yuri

SANADKUU DHASHAY:July 20, 1989 (age 28)

MEESHU KU DHASHAY: Komsomolsk-on-Amur, Khabarovsk Krai,

DHEERARKIISA:1.84 m (6 ft 0 in)

BOOSKU KA DHEELO: qadka dhexe ee daafaca (Defensive midfield)

KOOXDISA:FC Krasnodar

NUMBERKIISA: 8

 

Waxaa markii ugu horeysay looga yeeray xulka qaranka Russia August 2015 ee is reeb reebka UEFA Euro 2016 ayagoo waja haayey Sweden iyo Liechtenstein Laakin kama uusan qeyb qaadanin labadaas kulan.

Wuxuu markii ugu horeysay  u saftay xulkiisa kulan saaxibtinimo ay ka hor tageen Turkey-ga August 31, 2016, isagoo da’diisa ay tahay 27 jir.

Gazinsky ayaa kusoo biiray kooxda Krasnodar  May 2013 isagoo walibo heshiis Sedex sano ah u saxiixay intaaas kadib ciyaaryahanka ayaa la joogay kooxdisa Krasnodar wixii intaas ka dambeeyay.

Ciyaarta furitaanka 2018 ee koobka aduunka ee Russia  laacibkan ayaa nasiib u yeeshay inuu baal dahab ah ka galo  isagoo waliba loo caleemasaaray ciyaaryahanka dhaliyay gooshii ugu horeysay ee koobka aduunka.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here