Man City Vs Arsenal: Wax badan Ka Ogow Kulumada Ugu Horeeya Ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaaredka Cusub 2018/19

0
135

Kulamada furitaanka xilli ciyaareedka 2018/19 ee Premier League ayaa la sii daayay. Waxaana halka niigu soo gudbineynaa kulumada ugu horeeya ee horyaalka Premier League

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City oo daafacanaayo horyaalka ayaa wajaheysa kooxda Unai Emery ee Arsenal.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkeeda ku bilaaban doonta garoonkeeda kulan ay la ciyaari doonto Leicester 11ka August.

Liverpool oo gaartay finalka Champions League ayaa soo dhaweyn doonta West Ham iyo tababaraheeda cusub ee Manuel Pellegrini ee Anfield.

Chelsea ayaa marti gelin doonta Huddersfield Town garoonkeeda Kirklees Stadium iyadoo Newcastle United ay marti galin doonto Tottenham Hotspur garoonka St James ‘Park.

Southampton ayaa marti gelin doonta Burnley , halka Watford ay la ciyaari doonto Brighton garoonka Vicarage Road Stadium.

Everton ayaa booqan doonta Wolves garoonkeeda Molineux Stadium iyadoo Marco Silva uu ku soo laaban doono Toffees.

Cardiff ayaa u safreysa Bournemouth kulankeedii ugu horeeyay ee Premier League ka dib markii ay ka soo qeyb qaadatay horyaalka.

Slaviša Jokanovi? Kooxda Fulham ayaa ayaa martigalineyso Crystal Palace garoonka Craven Cottage.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here