Go’aano laga soo saaray xajka sanadkan ee Soomaaliya

0
140

Gudi ay dowladda Soomaaliya u xilsaartey diyaarinta adeegyada xujeyda sanadkan ayaa soo saarey go’aano ku aadan arrintaas.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday shirkadihii ku guuleystey adeega Xajka sanadkan in ay bulshada Soomaaliyeed u qabtaan.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey lacagta sanadkan xajka lagu aadayo oo ah 3600 oo dollar oo ah xirmada cadaiga ah, iyo 5000 oo ah xirmada sare.

Warbixintan waxaa diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan