DEG-DEG: Juventus Oo Xaqiijsay In Uu Massimiliano Allegri Ka Tagay Shaqada Tababaranimo Ee Kooxda

0
36

JIMCO   

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu tababare Massimiliano Allegri noqon doonin tababarohooda xilli ciyaareedka dambe ee 2019/2020 iyaga oo warbixin ku xaqiijiyay arintaas.

Shir wada jir ah ayaa la qaban doonaa maalinta bari ah ka hor kulanka ugu dambeeya ee Axada ay kooxda Juventus la ciyaari doonto kooxda Atalanta.

Taas ayaa la macno ah in uu kansalay heshiiska uu kula jiray kooxda kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen xilli uu heshiiskiisu dhici lahaa xagaaga 2020.

“Tababare Massimiliano Allegri ayaan ahaan doonin tababaraha Kooxda Juventus ee xilli ciyaareedka dambe”ayay kooxdu ku soo qortay website-keeda.

“Tababaraha iyo Madaxweynaha kooxda Andrea Agnelli ayaa ku kulmi doona shirka Sabtida ee ka hor kulanka ugu dambeeya ee horyaalka Serie A-da”ayay sii raaciyeen.

Massimiliano Allegri ayaa ahaa tababaraha kooxda Juventus 5 xilli ciyaareed isaga oo 5 horyaal oo Serie A-da ah kula guulaystay kooxda halka uu guud ahaan kula guulaystay 11 koob kooxdana geeyay laba filan oo champions League ah.