WARBIXIN: Shan Tababare Oo U Sharaxan Shaqada Tababaranimo Ee Juventus Kadib Markii La Xaqiijiyay In Uu Massimiliano Allegri Isaga Tagayo Kooxda

0
41

JIMCO 17 May 2019    RBB SPORTS

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu tababare Massimiliano Allegri isaga tagi doono kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib 5 sano oo uu soo hogaaminayay kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da.

Sida laga soo xigtay wargayska CalcioMercato Waxa jirta shan tabare oo u sharaxan in ay tababare Massimiliano Allegri ka badalaan shaqada tababaranimo ee kooxda Juventus.

Tababaraha ugu horeeya ayaa ah taabbaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola kaas oo si weyn loola xiriirinayay kooxda todobaadyadii ugu dambeeyay ee lasoo dhaafay.

Tababaraha 2-aad ayaa ah tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino kaas oo sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Tottenham kadib finalka champions League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha 3-aad ayaa ah tababarihii hore ee Juventus ee Antonio Conte oo haatan bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Tababaraha 4-aad ayaa ah tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps kaas oo ah xiddig horay ugu soo ciyaaray kooxda Juventus.

Tababaraha 5-aad ayaa ah tababaraha kooxda Lazio ee Simone Inzaghi kaas oo uu wargaysku sheegayo in uu yahay midka ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha Kooxda Juventus.