Miyay Man City U Dhaqaaqi Doontaa Saxiixa Antoine Griezmann? Guardiola Ayaa Ka Jawaabay

0
134

SABDDI 18 May 2019 Primier League Wararka maanta (RBB SPORTS)_Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka Man City la xiriirinaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Tababare Pep Guardiola ayaa taageerayaasha Barcelona u balan qaaday in ayna Man City u dhaqaaqi doonin saxiixa Antoine Griezmann inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xiriirinayaa Barcelona kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Dhamaan saxaafada ka timid Barcelona, ha walwalina”ayuu Pep Guardiola ku jawaabay markii wax laga waydiiyay Antoine Griezmann “Ma Awoodno in aan la soo saxiixano, City uma dhaqaaqayso adeegiisa”.

Kooxda Barcelona ayaa ka mid ah kooxo dhawr ah oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya in ay bixiyaan lacagta 120 milyan ee euro ee lagu bur-burin karo heshiiska Antoine Griezmann.

Griezmann ayaa ugu dambayn ku biiri doona Barcelona 12 bilood kadib markii uu iska diiday heshiis cusubna u saxiixay kooxda Atletico Madrid.