Hor Dhaca Man City Vs Watford Ee Finalka FA Cup-ka , City Taariikh Ayay Dhigayaan Haddii Ay Qaadaan .

0
190

SABDDI 18 May 2019 (RBB SPORTS)_ Wararka maanta.   Man City ayaa fiidkii la ciyaareysa Watford oo ay wada leeyihiin kulan finalka FA Cup-ka waxaana City dhankeeda la filayaa in Kevin Be Bruyne uu ku soo biloowdo maadaama kulankii Brighton ee horyaalka uu ka soo kacay keydka halka Fernandinho isna uu diyaar buuxa yahyay

Xogta Kulanka* Watford haddii kulanakan guul dareystaan waxa ay u noqoneysaa markii 10-aad ee xariir ah ee ay ku hor kufayaan Man City dhamaan tartamda waxa ayna guul la`aan yihiin 15-kulan ee ugu dambeeyay tan iyo sanadkii 1989-kii xilligaas oo ay hal gool ku garaaceen .

* Waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeeyay ee ay labo tababare oo isku waddan ah ay yimaadaan finalka FA Cup-ka tan iyo sanadkii 2008-dii waxaana xilligaas sidaas sameeyay Dave Jones iyo Redknapp waana markii labaad ee laba tababare aan aheyn Ingriis isku arkyaan finalka tartankaas waxaana 2001-dii sameeyay Wenger iyo Gerard Houllier oo u dhashay France.

* Midkii badiya labada tababare caawa waxa uu noqonayaa macalinkii sedexaad ee Spanish ah ee ku guuleysta FA Cup-ka waxaana horay sidaas u sameeyay Rafael Benitez (2006-dii Liverpool) iyo Roberto Martinez 2013-kii iyo Wigan .

* Man City ayaa hamineysa in ay noqdaan kooxdii ugu horeeyay ee Ingiriis ah ee isla qaadda horyaalka iyo League Cup-ka oo ay qaadeen iyo FA Cup-ka

* Man City waxa ay horay badiyeen 5 jeer halka shan kalana ay guul dareysteen 10-kii final ee FA Cup-ka ee ugu dambeeyay .

* Sergio Aguero waxa uu Watford ku leeyahay 7 gool dhamaan tartamada waxaana ku jira laba jeer ee uu sedexleey ka dhaliyay .

* Halka jeer ee ay Watford tagtay finalka FA Cup-ka waxa ay aheyd 1984-ti xilligaas oo ay Everton ku garaaceen laba gool waana markii labaad ay finalka soo gaaraaan 35 sano ka dib