Maxaa U Sabab Ah In Shantaan Tababare Aysan Faraxsaneyn Inkastoo Ay Horyaal Qaadeen Xilli Ciyaareedkan?

0
387

Koobka Champions League ayaa u ah waxa ugu sareeya ee koox walba oo Yurub ah ay bartilmaameedsaneyso, waxaana taasi ay keentay in xilli ciyaareedkan la eedeeyo tababarayaal dhowr ah inkastoo ay hanteen horyaalada wadamadooda.

Barcelona, Juventus, Paris Saint-Germain, Manchester City iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood guulo ka gaaray horyaaladooda, laakiin taasi looma arkin inay ku filan tahay umana aysan dabaaldegin sidii la filayay.

Allegri oo ka tagaya Juventus inkastoo uu horyaalka kale la qaaday

Tababaraha Talyaaniga ayaa shan horyaal oo Serie A ah, afar Coppa Italia iyo labo Suppercoppa ku guuleystay laakiin marnaba ma uusan qaadin Champions League inkastoo uu Juventus labo jeer u soo saaray finalka.

Massimiliano Allegri ayaan sii ahaan doonin tababaraha Juventus xilli ciyaareedka danbe, iyagoo haatan bilaabaya raadinta tababare cusub oo ku hogaamiyo koobka Champions League.

Labo jeer oo isku xigta ayuu qaaday horyaalka hadana shaqada Valverde ma badbaado qabto

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Barcelona, tababare Ernesto Valverde ayaa ku guuleystay labada koob ee maxaliga, waxaana laga yaabaa inuu ku celiyo xilli ciyaareedkan haddii Barcelona ay garaado Valencia Sabtida soo socota finalka Copa del Rey.

Waxa uu ku guuleystay inuu maareeyo ciyaartoyda sida Ousmane Dembele iyo Arturo Vidal, isagoo sidoo kale muhim weyn u ahaa mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa ee waayaha Lionel Messi.

Valverde laguma xusuusan doono waxaas oo dhan madaama ay kooxdiisa si ceeb labo xilli ciyaareed oo isku xigta uga hartay Champions League.

Qarowga joogtada ah

PSG waxay waali ku qaaday hanashada Champions League, midkoona Carlo Ancelotti, Laurent Blanc, Unai Emery ama Thomas Tuchel kuma hogaaminin kooxda koobkeedii ugu horeeyay ee Yurub.

Waxa ay qabsadeen horyaalka Faransiiska tan iyo intii uu Nasser Al-Khelaifi madaxweyne ka noqday, laakiin xitaa saxiixyada Kylian Mbappe iyo Neymar kama caawinin inay qabsadaan Yurub.

Xilli ciyaareedkan waa ay awoodi waayeen inay isku qaadaan seddexda koob ee maxaliga ah madaama laga soo reebay Coupe de la Ligue iyo Coupe de France, iyadoo Tuchel lagu eedeeyay xilli ciyaareed liita.

Guardiola oo heerka laga rabo meel sarre geeyay

Pep Guardiola awood uma helin inuu kor u qaado Champions League tan iyo markii uu ka tagay Barcelona, inkastoo uu labo xilli ciyaareed oo isku xigta uu Man City ku hogaamiyay hanashada horyaalka Premier League hadana kooxda waxa ay xilli ciyaareed ku dhameysaneysaa iyagoo qaraar ka dareemaya afkooda, madaama kooxdii reebtay ee Tottenham ay taagan tahay finalka.

Soo laabasho aan lagu faa’idin

Niko Kovac ayaa ku laabtay Bayern Munich isagoo tababare ah ka dib markii uu labo xilli ciyaareed u ciyaaray kooxda waayihiisii ciyaaryahanimo, laakiin taasi aysan dhisin moraalka kooxda, waxaana ay Champions League uga soo hareen wareega 16ka.

Haddii Bayern Munich ay badiso labada kulan ee soo socota ee ay la ciyaarayaan Frankfurt horyaalka Bundesliga iyo RB Leipzig finalka koobka DFB-Pokal, waxa ay mar kale isku qaadi doonaan labada koob ee maxaliga ah, laakiin xitaa taasi ma badbaadin doonto Kovac.