Goodax oo sheegay in uu fashilmay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Puntland “HDVideo

0
119

Sabdi, May, 18, 2019 (RBB NEWS) – Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka maanta ka bilowday gobolada hoos taga maamulka Puntland uu fashilmay.

Warkan ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka ayuu ka sheegay xilli uu maanta gaaray magaalada Jowhar waxana uu hore hadalo adadag uga sheegay Maamulka Puntland Wasiir Cabdulaahi Goodax.

Hase yeeshee warka Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu maanta daahfuray Madaxweynaha Putland Siciid Deni imtixaanka dugsiyada Sare ee puntland.

Balse Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu fashilmay mid kamid ah maadooyinkii imtixaanka maanta la qaadayay balse la bedelay.

Wasaaradaha Waxbarashada dalka ayaa u muuqda kuwo aanan xafidi karin ammaanada ay hayaan maadaama ay soo laablaabatay fashilka ku imanaya imtixaanaadka.

Halkan hoose ka daawo Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax oo ka hadlaya imtixaanka Puntland iyo arrimo kale.