Golaha aqalka sare ayaa warbixin ka dhagaystay gudiga doorashooyinka qaranka.

0
103

Axad, May, 19, 2019 (RBB News) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad waxa ayna warbixin uga dhagaysteen Gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan.

Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Dadka badan is waydinayaan sida dalka sanadka 2020 doorasho qof iyo coda ugu dhici karto balse Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee qaranka ayaa qaba in dadka doorashada soo socota ay noqon karto mid qof iyo cod.