Maxkamadda Sare Ciidamada Ayaa xukun dil ah ku riday shaqsiyaad ku eedeysan fulinta Qaraxyo

0
99

isniin, 20 May 2019 (RBB News) –Garsoorka Sare Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil ah ku riday laba nin oo ku eedeysan inay ka mid yihiin Shabaab, sidoo kalena qaraxyo ka dhacay Magaaladan ay masuul ka ahaayeen.

Labadan nin ayaa horay waxaa xukun dil toogasho ah ugu soo riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Somaliya, balse xukunkaasi oo Racfaan ay ka qaateen ayaa waxaa loo gudbiyay maxkamadda Sare.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn maanta shaacisay Xukunka lagu Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin).

“Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) & Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay Waxayna ku raacday Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa dil toogasho ah, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow Guddoomiyaha Maxkamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Labadan nin ayaa ku eedeysnaa sahminta goobo qaraxyo ay ka dhaceen oo dad rayid ah ay ku dhinteen, iyo sidoo kale ka mid ahaanshaha Shabaab & ka dagaalamida goobo kala duwan.