Madaxweynaha Hirshabelle Ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dhismaha Buundada deegaanka Ceelgaal

0
96

isniin, 20 May 2019 (RBB News) –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay gelinkii dambe gaaray deegaanka Ceel-Gaal ayaa walwal waxa uu ka muujiyay bur buruka ku yimid buundada deegaanka Ceel-Gaal, kadib markii uu ka da’ay Roobab daadad watay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haatan uu socdo dhismaha Buundadaas oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Shacabka ay si wadajir ah u dhisayaan.

Dhismaha Buundada Ceel-Gaal iyo wadada la tagta Baladweyne ayuu sheegay in dhismo lagu sameyn doono, waxaana uu ka dalbaday Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Caalamka inay ka qeyb qaataan dhismahaas,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin.

Waxa uu sheegay ahmiyada ay leedahay Buundadan inay tahay mid dadka oo dhan ay wada dareensan yihiin, gaar ahaan dadka reer Hirshabelle oo looga baahan yahay inay door muuqda ka qaataan arrintaan.