Dhageyso:-Musharixiinta Jubbaland Ayaa ka horyimid qorsho uu wato Axmed Madoobe

0
99

Isniin, 20 May 2019 (RBB News) – Xildhibaan Cabdi ashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxwaynaha Maamulka jubbaland ayaa walaac ka muujiyey habka la doonayo in loo soo xulo Xildhibaanada Cuusb ee Maamulkaas.

Isaga oo ka warbixinayay kulan ay yeesheen gollo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Musharixiinta madaxtinimada jubbaland ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan faragalin lagu sameeyo habraaca doorashada .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in golaha ay soo dhawaynayaan in Odayaasha dhaqanka iyo Salaadiinta Jubbaland loo madax baneeyo soo xulista Xildhibaanada,hayeeshee saida hadda ay wax u socdaan ay yihiin wixii ay horay uga digeen.

Xildhibaanka ahna musharax Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa waxa uu tilmaamay in golaha ay kasoo horjeedaan qaabka xulista Xildhibaanada ee hada la wado taas oo ah in beel kasta ay guddiga doorashooyinka usoo gudbiyaan saddex musharax oo u tartamaya xubinimada Baarlamaanka si midkii ay doonaan ugala baxaan.

Xubno ka tirsan musharixiinta oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha xulista Barlamaanka Jubbaland uu yahay mid uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe,isla markaana uu ku doonayo in dib loo doorto.