Jubbaland Ayaa soo bandhigtay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku-soo dhiibay

0
151

isniin, 20 May 2019 (RBB News) – Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay Sarkaal sare oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab balse isku-soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

Sarkaalka ayaa Wasaaradda Amniga Jubbaland waxaa ay Magaciisa ku sheegtay Sharmaarke Cabdinaasir Axmed,isla markaana mudo 10 Sano ah uu ka mid ahaa Al-Shabaab sigaar ah kooxda loo yaqaano jugta culus ee fulisa weerarada ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Sarkaalkaas uu ka mid ahaa Saraakiisha  Al Shabaab ugu sareysa,hayeeshee uu ka dalbaday inay Shacabka Soomaaliyeed ay cafiyaan maadaama dhibaatooyin hore uu u geystay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada kale iyo xubnaha ku jira Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland,isla markaana ay soo dhaweynayaan.

Marka laga soo tago Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Jubbaland majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya, iyada ii dhankooda weli Al-Shabaab aysan ka hadlin sarkaalka la sheegay in uu dhankooda kasoo goostay.