Guardiola, Sanchez, Mbappe, Maguire, Gundogan, Kante, De Gea, Carrasco & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
390

isniin, 20 May 2019 (RBB SPORTS)  Wararka Suuqa Kala iibsiga: Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah RBB.COM idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna RBB.COM wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Tababare Pep Guardiola ayaa la siin doonaa fursad uu kooxda Man City ku sii joogo ugu yaraan 5 sano oo uu ku qaadan 100 milyan oo euro isaga oo sanadkii jeebka ku shuban doona 15 ilaa 20 milyan oo euro (Sun).

Daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire ayuu tababare Pep Guardiola ka dhigtay bartilmaameedka 1-aad ee uu ku badalayo Vincen Kompany oo ka tagay kooxda (Mail).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa soo jaraya fasaxiisa xagaaga si uu uga tago kooxda Man United wakhti hore oo xagaaga ah (Sun).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga tagi karo kooxda PSG Marka la gaadho xagaaga (Express).

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa sheegay in ay isaga iyo shaqaalihiisa tababaruhu haatanba ka wadahadaleen booska uu Antoine Griezmann uga ciyaara lahaa kooxda xilli ciyaareedka dambe (Express).

Xiddiga reer Belguim ee Yannick Carrasco una ciyaara kooxda shiinaha ee Dalian Yifang ayaa doonaya in uu ku soo biiro Premier league xagaaga isaga oo ay u badantahay in uu ku biiro Arsenal (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Saint-Etienne ee William Saliba (Gaol.com).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundogan ayaa doonaya in uu wadahalo heshiis kordhin ah la furo Man City si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda (Mail).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa ka fiirsanaya in uu xagaaga ku biiro kooxda PSG (Talksport).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele si ay ugu buuxiso booska Paul Pogba (Manchester Evening News).

Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa daafaca kooxda Lyon ee Nathan Collins kadib markii uu xiddigii hore ee Darren Fletcher Kula taliyay (Mail).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Hakim Ziyech ayaa qirtay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal Inta lagu jiro xagaaga (Mail).

Olivier Giroud ayaa ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko ayaa diyaar u ah in uu ku soo laabto kooxda Chelsea kadib markii ay Ac Milan iska diiday in ay si toos ah ula wareegto (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Adam Lallana ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Southampton si uu u raadsado koox uu si joogto ah ugu ciyaaro (Mirror).

Vincent Kompany ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay kooxda Man City u soo bandhigtay si uu tababare/Ciyaaryahan ugu noqdo kooxda Anderlecht (Times).

Kooxda PSG ayaa David De Gea u sheegtay in uu iska diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United waliba dhamaysto heshiiskiisa Man United si xor ahna ugu biiro kooxda (Express)