Wakiilo ka socday Cumaan Ayaa deeq raashin ah ka qaybiyay Magaalada Kismaayo.

0
66

isnii,20, May,2019 (RBB News) – Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose gaaray Masuuliyiin ka socotay hay’ada gar gaarka ee Saldanada Cumaan.

Wafti ka socday Saldanada Cummaan ayaa maanta a gaaray Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan ganacsatada magaalada Kismaayo.

Intaasi ka dib waftiga ayaa la geeyey goobo raashin loogu qaybinaayey ku dhowaad saddex kun qoys oo danyar ah, kuna nool magaalada Kismaayo.

Madaxwayne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud iyo wakiil ka socday Saldanada Cummaan oo raashikaan afurka ah ugu qaybiyay dadka danyarta ah ee Kismaayo ku nool.

Wakiilada ka socday Saldana Cumaan ayaa inta badan deeqo gar gaar ah gaarsiiya wadamada Muslimiinta ah ee ay ku nool yihiin dadka tabaalaysan.