Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo faah faahiyey safar uu ku tagayo Shiinaha

0
91

Talaado, 21 May 2019 (RBB News) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhawaan deegaanada Maamulkas laga hirgelin doono mashaariic kala duwan,isla markaana ay ka qeyb qadan doonaan dalalka Itoobiya iyo Shiinaha.

Waxa uu sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,sida wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ay u ambabaxeen dalka Itoobiya,si dowladda Itoobiya ay kala hadlaan arrinta dhismaha Kastamka Canshuuraha gobolka Mudug oo uu qorshihiisu socdo.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intasi ku daray in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tegi doonaan dalka shiinaha,isla markaana dowladda dalkaasi ay kala hadli doonaan mashaariic uu qeyb ka yahay dhisida Garoonka Diyaaradaha Magalada Gaalkacyo iyo mashaariic kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ya tan iyo markii la doortay waxaa uu dalka dibadiisa safr u aaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta,isaga oo madaxda dalkaasi la soo saxiixday heshiisyo ku saabsan mashaariic uu Imaaraadka ka fulinayo Puntland.