Mamulka Jubbaland oo War kasoo saaray darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka Soomaliya

0
99

Talaado, 21 May 2019 (RBBB News) – Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Balad-Xaawo.

Madaxweyne kuxigeenka oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool degmada Balad-Xaawo,isla markaana arrinta la xiriirta derbiga ay ka wada hadlayaan Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya.

Xalka gaarista muranka ka dhashay dhisida darbiga ayuu sheegay in laga doonayo Maamulka Jubbaland,hayeeshee Shacabka dhankooda ay isdejiyaan,xilli dadka Balad-Xaawo ay wadeen kacdoon ka dhan ah darbigaas.

Dhowr Todobaad ka hor ayaa Shacabka ku nool degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ay burburiyeen dhismo ay Kenya ka bilaawday halkaasi, iyaga oo sidoo kale duugay godad ay qodeen Ciidamada Kenya