Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka soomaliya ayaa si Kulul u Cambaareeyay Qaraxii maanta ka dhacay aga gaarka taalada daljirka dahsoon ee magaalada muqdisho

0
79

Arbaco, 22 May 2019 (RBB News) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumada  Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax manta ka dhacay bar koontarool oo ay ciidamada dowlada ku lee yihiin aga gaarka dal jirka dahsoon  ee magaalada muqdisho 

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman ay ka soo gaartay waxyeelo iskugu jirtay  dhimasho iyo dhaawac qaraxa, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Korneyl Faay Cali Raage oo ka mid aheyd saraakiisha ciidammada Xoogga dalka, kuna dhimatay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta  ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag kula jira   Al-shabaab,  waxa uu  rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaanka  Al-shabaab.