Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka

0
124

Arbaco, 22 May 2019 (RBB News) – Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in guddiga madaxa bannaan ee arrimaha dastuurka, guddiga labada aqal ee dib u eegista dastuurka iyo wasaaaradda arrimaha dastuurka oo yeeshay wada-shaqayn xooggan ay Muqdisho ku shireen intii u dhexeysay 4tii ilaa 7dii  February ee sannadkaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali uu xiritaankii shirkaas uu ku celiyay in dib-u-eegisga dastuurku ay tahay muhiimadda koowaad ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhincayada u xil saaran dib u eegista dastuurka ee shirka yeeshay ayaa soo saaray war-murtiyeed waxa ayna ku celiyeen in ay sii wadayaan wada-sahqaynta, waxa ayna dalbadeen in laga fogaado muranka siyaasadeed ee horseedi kara in uu wiiqmo qorshaha dib-u-eegista dastuura, iyaga oo codsaday in la karaariyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sagaal kamid ah 15-ka cutub ee uu ka koobanyahay dastuurka kumeel gaarka ah ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay, shan kamid ah sagaalkaas cudubnta waxaa la hor geeyay  Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in cusubyada aan wali lagu samyn dib u eegista ay kamid yihiin qeexidda awoodaha, hannaanka dowladeeed iyo maqaamka Muqdisho. Baarlamaanka ayaa la filayaa in in ay ka doodaan dib u eegista lagu sameeyay cutubyada kahor inta aan guud ahaan ka doodin dib u eegista oo dhamaystiran.

Intii lagu guda jiray shir ay Kismaayo ku yeesheen 8dii ilaa 10-kii April, guddiyo farsamo oo ka socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo guddiyada dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ah ayaa la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada si looga guul gaaro himilada ummadda Soomaaliyeed.