Dhageyso:-Maamulka Jubbaland oo cadeeyay mowqifkiisa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

0
160

Khamiis 23 May 2019 (RBB News) –  Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in labada dowladood looga baahan yahay inay faah faahin ka bixiyaan halka salka uu ku hayo khilaafkooda si xal buuxa loo gaaro.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da lanteeda Afka Soomaaliya ayauusheegay in labada dowladood uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyay 30kii sano ee la soo dhaafay,hayeeshee loo baahan yahay in danaha labada dowladood laga wada Shaqeeyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday inay Kenya ka qanciso halka cilada ka jirto,waxaana uu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in mowqifka Jubbaland ee khilaafka labada dowladood uu yahay inay ka xun yihiin.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo aan weli xal loo helin,hayeeshee dad badan ay ku baaqeen in wadahadal wax walba lagu dhameeyo.