SAWIRO:-Galmudug oo sheegtay in la qabtay Nin doonayay in uu is qarxiyo

0
107

Khamiis 23 May 2019 (RBB News) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Munaasabad loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaal ay Ahlusunna Galgaduud kula gashay Al-Shabaab ayaa saraakiil ka tirsan Galmudug sheegeen in lagu arkay Nin watay jaakad iyo waxyaabaha qarxa,hayeeshee laga hortegay,kadibna ay Ciidamada qaraxa ka fureen.

“Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug.

Goobta ay ka dhaceysay Munaasabada xuska baroordiiqda ayaa waxaa ku sugnaa Madax uu ka mid yahay Madaxa xukuumadda Maamulka Galmudug,balse Ninkii ay ciidamadu qabteen ayaa la shegay in la geeyay Xabsiga degmada Guriceel si baaris kale loogu sameeyo.