Ciidamada NISA oo howlgal gaar ku soo qabtay xubin ka tirsan Daacish

0
193

Sabti 25, May 2019 (RBB News)-  Ciidamada NISA ayaa howlgal gaar ah ku soo qabtay xubin la sheegay inuu ka tirsanaa ISIS ama Daacish.

Sida lagu daabacay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay 24-kii bishan oo ku beegneyd shalay.

“Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS, Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA.

NISA ayaa horay u shaacisay inay howlgalo gaar ah ku soo qabteen xubno ka tirsan Daacish, inkastoo aan macluumaad faah faahsan laga bixin howlgaladaas iyo heybta ragga la soo qabtay sida magacyadooda.

Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq ayaa sanadihii u dambeeyay la wiiqay awoodooda, kaddib markii laga saaray dhammaan goobihii ay ka talinayeen ee dalalkaas, hase ahaatee wadamo dhowr ah ayay dhaq dhaqaaqyo ku leeyihiin oo ay ka fuliyaan weeraro.

ISIS ayaa meelaha ay xilligan dhaq dhaqaaqyadooda ka wadaan ka mid ah Gobolada Bari ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, inkastoo ay cadaadisyo kala kulmayaan duqeymaha Mareykanka iyo dagaalo ay la galeen Al-Shabaab.