Shacabka Soomaalida ma doorkii dowladda ayay qaateen” Khariidadda Itoobiya”

0
183

Isniin 27 May 2019 (RBB News) – Ma jiro war ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomaaaliya oo la xiriira map-kii shalay ay daabacday wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, kaas oo markii dambe laga saaray.

Itoobiya ayaa qoraal kooban ku sheegtay: “Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya”.

“Markii aan arrinta ka war helnay, si degdeg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka… Waxaan si kal iyo laab ah uga qoomameyneynaa jahwareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan,” ayaa lagi yiri qoraalka oo lagu daabacay bogga wasaaradda.

Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo BBC ayaa sheegay: “Waxaa la yaab ah in dowladda Soomaaliya, marka Sacuudiga, Khaliijka ama Turkiga laga hadlo ay markiba warsaxaafadeed ka soo saarto, marka, dalka Soomaaliya oo khariidaddiisa la qaatay oo jeeba lagu shubtay ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka aamustay waa wax yaab leh.”

Falcelinta Baraha Bulshada

Kumannaan ka mid ah dadka isticmaala baraha Bulshada ayaa, markii uu sawirkaas soo baxay, billaabay in ay faafiyaan farriimo ay ku dhalleeceynayaan maamulka Itoobiya iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sahra Axmed Kooshin ayaa iyana Twitter-keeda ku xustay in “raali gelinta la aqabalay. Laakiin baara sida ay arrintan ku dhacday, xaqiijiyana in aysan mar dambe dhicin:

Maxamed Salaad oo Facebook isticmaala ayaa soo qoray “Itoobiya oo Soomaaliya la wareegtay”.

Cabdifitaax Xuseen ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in “Itoobiya ay tijaabo ku sameysay dadka Soomaalida,” wuxuuna sheegay in uu weli sugayo jawaabta madaxtooyada Soomaaliya.

Khaled Jahweyn ayaa aaminsan fikir ah in Itoobiya ay “si tartiib ah u degayso quluubta shacabka Soomaaliya iyo Hoggaankooda”.

Goorma ayay soo bilaabatay fikradda mideynta Soomaaliya iyo Itoobiya?

Dhanka Soomaaliya waxaa muddo dheer soo jirtay fikradda mideynta shanta Soomaaliyeed oo kala ah Koonfurta, Waqooyiga, Jabuuti, Ogaden, iyo NFD.

Jabuuti waxay noqotay dal gaar ah, Ogaden waxaa lagu darey Itoobiya, NFD-na Kenya, halka labadii soo hartay ay Waqooyiga noqdeen jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani.

Heshiiska Dekedaha

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta labaad ee Afrika ugu dheer, iyo dhawr dekedood oo ku teedsan laga soo bilaabo badda cas oo Berbera ah illaa ciribka koonfureed oo Kismaayo ah.

Itoobiya waxa ay muddo dheer isticmaalaysay dekeda Berbera, balse sanadkii hore ayay wax kasta is badaleen kadib markii ay Itoobiya saami 19% ka heshay dekada Berbera kadib markii maamulka Somaliland ay heshiis la galeen shirkadda DP World, taas oo saamiga kasii iibisay Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay heshiiskaas, balse markii uu todobaadkan Muqdisho tagay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashi ku samayso 4 dekedood oo Soomaaliya ku yaala, taasna waxa ay soo afjartay hubanti la’aantii ku hareereysneyd waxyaabaha labada dal ay heshiiska ku yihiin ee la taaban karo.

Ra’isulwaasaraha Itoobiya oo murti galinayay xikmadda ka dambeysa in dalkiisa uu isticmaalo xeebaha Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa u muuqday in uu ka garaabayo hadalka Dr Abiy ee biyaha ku saabsan, wuxuuna xusay in biyaha macaan ee Soomaaliya laga isticmaalo, gaar ahaan wabiyada ay ka yimaadaan Itoobiya, ayna tahay in labada dal ay wax badan is weeydaarsadaan.