Prof. Dufle “Sigaarku wuxuu sababaa kansarka ku dhaca Sambabada”

0
331

31 May 2019 (RBB news) – Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa mar kale bulshada uga digay qatarta uu leeyahay sigaarka iyo cudurada halista ah ee ka dhasha, iyadoo sanad walba maanta oo kale 31-ka May 2019 ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka.

Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.

Waxaa uu sheegay Profesor. Dufle in sanadkan heyadda caafimaadka Adduunka ee WHO ay diirada saartay sigaarka iyo cudurada uu u keeno Sambabada iyo Neef-mareenka “Tobacco and Lung Health” si loo muujiyo qatarta iyo dhibaatada cabista sigaarku u leedahay Sambabada iyo neef-mareenka qofka isticmaala.

“Maanta oo ay ku beegan tahay 31-ka May 2019 waa maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo khatarta uu leeyahay, tubaakada waxay u kala baxdaa noocyo badan sida: Sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, shiishada, Tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado, intaasoo dhanba waa khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in guud ahaan adduunyada cabista sigaarka lagu qiyaaso 1.1 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo u dhiganta (80%) ayuu sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo xusay in cabista sigaarka ragga uu ku badan yahay qiyaastii shan jeer haweenka.

“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah dadkaasna ay yihiin dadka aan cabin sigaarka sida tooska ah (”Second hand Smoke)” ayuu yiri dhaqtarku. Sidoo kale wuxuu Dhakhtarku xusay in sigaarka 4tii ilbiriqsiba uu qof u dhinto guud ahaan caalamka.

Prof. Dufle ayaa tilmaamay in sigaarka laga helo in ka badan 4,000 kun maaddo oo sun kiimiko ah, 250 ka mid ah maadooyinkaasna ay yihiin kuwa Qatar ku ah Caafimaadka aadanaha, in ka badan 50 kalena ay dhalin karaan cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide & amooniyo) waxaa kaloo ku jira ayuu yiri dhaqtarku maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.

“Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmaalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay sii yaraan karto” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Prof. Dufle.

Dhaqtarka ayaa sheegay in cabista sigaarka uu sababo 25 cudur oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Sambabka sida cudurka Kansarka Sambabka 30-35 %. “Khatarta kale ee keeni karta kansarka sambabada waa qof ka agdhow meesha lagu cabayo sigaarka sida guriga iyo goobaha shaqada (Second-hand smoke) oo qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%” . Sanadkiina waxaa u dhimata kansarka sambabka guud ahaan caalamka 1.8 milyan oo qof ayuu yiri Prof-ku.

Wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka iyo neef-mareenka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema) iyo Chronic Bronchites.

Dhaqtarka wuxuu kaloo sheegay in cabista sigaarka uu sababo cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke).

Sidoo kale wuxuu sababaa Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la’aanta ragga iyo haweenka intaba.

Dakhtarka wuxuu kaloo sheegay in bukaanka cudurka Qaaxad qaba (TB) uu sigaarku sii xumeeyo hoosna u dhigo shaqadii sambabka una keena dhimasho ka timaada hawlgabka habdhiska neef-mareenka (Respiratory Failure).

“Sigaarku Wuxuu caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah uu u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Prof. Dufle oo sii hadlayey.

Waxaa intaa ku daray dhaqtarku in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay Dhalinyarada da’dooda ka yartahay 20-ka sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg deg ah.

“Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay” ayuu yiri dhaqtarka.

Prof. Dufle oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in cabista sigaarka ay waxyeelo u geysato aragga Indhaha, Maqalka, dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystaa ayuu yiri dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxaa Prof. Dufle xusay in WHO ay ugu baaqday dowladaha caalamka iney qaadaan talaabooyin lagu xamakeynayo tubaakada sida:-

1-In bulshada laga wacyi geliyo dhibaatada caafimaad iyo mida dhaqaale ee sigaarku leeyahay, iyadoo la adeegsanayo bahda caafimaadka, warbaahinta iyo ururada bulshada.

2-In cabista sigaarka laga mamnuuco goobaha la iskugu yimaado, sida Tiyaatarada, Suuqyada, Basaska, iskuulada, isbitaalada, guryaha shirarka iwm,.

3-In aan sigaarka laga iibin caruurta aan qaangaarin.

4-In la mamnuco xayeysiinta qeybaha kala duwan ee warbaahintu u sameyso tubaakada iyo sigaarka.

5-Iney sigaarsi ku kordhiyaan canshuuraha.

6-In baakadaha sigaarka lagu qoro khatarta uu u leeyahay caafimaadka aadanaha.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay ku dhowaad 30-kii sano ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xoog leh u kordheen tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay ayuu yiri dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn, haween iyo rag, kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

Ugu dambeyn Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada nooc kasta bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keeno.Image result for Prof. Dufle