Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha Hoose

0
132

Isniin, 3 june 2019 (RBB NEWS) – Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha Hoose Ciidmada gaarka ah ee DANAB & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo deegaan u dhow deegaanka lambar konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta loo yaqaano,xilli ay marayeen deegaan lagu Magacaabo Aala Yaasir oo u dhow deegaanka Lambar konton ee G/Shabeellaha Hoose.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas,hayeeshe warar lagu qoray Baraha taageera Al-Shabaab ayaa waaa lagu sheegay in la gubay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Bangaraafta wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay,balse aysan ka warheyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Bangaraafta weli dhankooda kama hadlin dagaalka deegaanka Aala Yaasir ay kula galeen Al-Shabaab,hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamadu ay socdaalkoodii sii wateen.

Si kastaba inta badan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa weeraro ku qaada Xubno ka tirsan Al-Shabaab.