Meydadka dad lagu diley magaalada Khartoum oo laga soo saaray webiga Nile ee Suudaan

0
112

Arbaco, June, 05, 2019 (RBB NEWS) – Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegayaan in meydad gaarayo 40 laga soo saaray webiga Nile ee mara bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum kaddib markii howlgal rabshado horseeday lagu qaaday dad dibadbaxyo dhigayay, sida ay sheegeen u ololeeyaasha mucaaradka.

Dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa waxay sheegeen in meydadka ay kamid yihiin 100 qof oo la rumeysan yahay inay dileen laamaha ammaanka Suudaan tan iyo Isniintii oo ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dibadbaxyaasha.

Wararka waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in kooxaha sida militariga u tababaran ay weerarayaan shacabka dalkaas.

Golaha saree e militariga Suudaan waxay sheegeen inay baarayaan dhacdooyinka shacabka badan lagu laayay.

Shacabka ku sugan magaalada Khartuum ayaa  sheegay inay cabsi soo wajahday xilli ciidammada gaarka ee RSF lagu arkayo waddooyinka magaalada.kooxdan sida militariga u tababaran ayaa waxaa horaan la oran jiray maleeshiyaadka ‘Janjaweed’, waxaa ay soo ifbaxeen dagaalkii Darfuur ee ka dhacay galbeedka Suudaan sannadkii 2003-dii.