Duqa Muqdisho Eng. Yariisow oo maanta kumanaan ruux kula ciiday Beerta Daaru Salaam

0
107
June, 04, 2019 (RBB NEWS) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta kumanaan ruux kula ciiday shacabka Beerta Daaru Salaam oo ah deegaan bilic qurxoon oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Ciidan ay tahay Ciid si weyn dadka reer Muqdisho isugu soo baxeen oo ka turjumeysa nabadda iyo is dhex galka, waxaana uu xusay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolkaba ay diyaariyeen jawi qurux badan oo suura geliyay in dadka Farxad iyo Nabadgelyo ku ciidaan.
“Maanta maalin ciid waaye, Marka hore hambalyo hambalyo Ciid Mubaarak, in Soomaaliya sideey ahaan jirtay kusoo noqoto Ciidul Fitriga waxaan rabnaa in ilaahay nooga dhigo tii na mideyso na guuleyso, Wadankaan wuxuu u baahan yahay waa dhalinyaro, dhalinyaro waxaa la idin karabaa doorka aad ku leedihiin wadanka inaad ka qaadataan. Wadankaan wuxuu ubaahan yahay horumar, horumarkiisana cidda laga rabana waa dhamaanteen. Qof walba waxaa laga rabaa inuu noqdo muwaadin, daacad ah wadankiisa u shaqeeya umadisa u adeega”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.
Duqa Muqdisho ayaa yiri “Muqdisho oo maanta si qurux badan looga Ciiday. Dowladii Federaalka iyo Maamulkii Shacabka ee G/Banaadir oo Caasimada u diyaariyey Jawi suurta galiyey soo Bandhiga Burhaanta Shacabka.
Kumanaan ruux oo isugu jira carruur iyo dad kale ayaa ka qeyb qaatay farxadda Ciidul Fidriga, iyagoo wajiyadooda laga dareemay farxad, sidoo kalena ku dabaal degay deegaanka bilicda qurxoon leh ee Daaru Salaam.