Dhageyso:-Xiisad Udhaxeysa Maamulka Degmada Buurdhuubo Oo Laxaliyay.

0
28

Isniin RBB News:- Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka gedo ayaa kuguuleystay in ay xal kagaaraan khilaaf dhawaanahaaan kadhaxeeyay maamulka degmadaas .

Kullanka ay wada yeesheen masuuliyiinta degmada ayaa waxaa kaqeyb galay odayaasha dhaqanka wax garad iyo saraakiisha ciimada kusugan degmada Buurdhuubo waxaa lagu soo afjaray khilaafkii udhaxeeyay maamulka ugu sareeya degmada buurdhuubo kullan ayaa waxa uu
kadhacay xafiiska maaliyada Buurdhuubo isagoo qaatay muddo saacado ah iyadoo lagu lafa guray tabashooyinkii udhaxeeyay maamulka degmada buurdhuubo ee gobolka gedo.

Markuu kullanku soo idlaaday ayaa saxaafada waxaa iswada jir ah ula hadlay gudoomiye kuxigeenka iyo gudoomiyaha degmada waxayna iswada jir ah usheegeen inuu isfaham waagii yaraa ee kadhaxeeyay uu soo idlaaday

Cabdiraxmaan cabdulaahi cali sanbuul gudoomiye kuxigeenka degmada buurdhuubo iyo gudoomiyaha degmada buurdhuubo xasan muxumed cali oo kahadlaya arrimahaan ayaa waxaa hadaladoodii kamid ahaa…. cod

Sikastaba kullankan lagu soo afmeeray khilaafkii udhaxeeyay maamulka degmada buur dhuubo ee gobolka gedo ayaa imaanaya xilli khilaaf uu kadhaxeeyay maamulka ugu sareeyaa degmadaas.

 

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GUDOMIYAHA IYO GUDOMIYE KUXIGEENKA DEGMADA: