Taliska Africom Oo Ka Hadlay Askar Maraykan ah oo miino ay la qaraxday.

0
114

Isniin RBB News:- Gaari ay leeyihiin ciidammada Maraykanka ayay miino la qaraxday isaga oo sii galaya goob tababar uu ka socday oo u dhaw magaalada Oullam ee koonfurta galbeed ee dalka Niger, sida uu milatarigu sheegay.

Dhimasho ma jirto balse xaaladda askarta “ayay qiimayn ku socotaa” sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ciidammada.

Ciidammada ayaa ku safrayay gaari aysan miinadu karin marka uu qaraxu dhacay.

Ciidammada Maraykanka ayaa dalka Niger ka caawinaya dagaalka uu kula jiro kooxaha jihaaddoonka ah ee gobolka.

Sannadkii 2017 afar askari oo Maraykan ah iyo afar askari oo reer Niger ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhaw xadka Mali.